Sawirro: Qorshaha lagu bur-burinayo isbitalka Keysaney iyo dhibaateynta dadka W/Muqdisho

Muqdisho Caasimada Online) – Waxaa dhowaan soo baxay warar sheegaya in Isbitaalka Keysaney ee ku yaalada degmada Kaaraan, magaalada Muqdisho loo bedelayo xabsi uu markii hore ahaan jiray, taasoo ay qeylo dhaan ka soo saareen dhinacyo kal duwan oo ku doodaya in isbitaalkaasi aan la taaban si adeegyada caafimaad ee uu hayo aanahy meesha uga bixin.

Haddaba baaritaan lagu sameeyey qorshahan cusub ee dhowaan soo baxay iyo halka uu salka ku hayo ayaa laguogaaday arrimaha soo socda:

Wasaaradda Cadaaladda dowladda Federaalka oo ay heystaan dhibaato ciriiri ah oo ka jirta xabsiga weyn ee Muqdisho ayaa mashruuc dhismo xabsi cusub ka heshay dowladda Turkiga kadib markii ay dalkaasi booqdeen wasiirkii hore ee cadaaladda Faarax Sheekh C/qaadir iyo xeer ilaaliyaha Axmed Cali Daahir.

Turkiga ayaa ogolaaday inuu wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya arrimo dhowr oo ay ka mid yihiin hagaajinta xabsiga dhexe ee Muqdisho iyo xabsiyo kale oo la dhiso, waxaana arrintan dib loo soo nooleeyay kadib markuu xukuumadda cusub ay xilka la wareegtay, iyadoo wafdi qiimeyn ah oo ka socda wasaaradda cadaalada Turkiya uu Muqdisho yimid bishan April 2015, isla markaana booqday xabsiga dhexe.

Wasaaradda Cadaaladda oo aan tixgelin siin Isbitaalka Keysaney iyo adeegyada caafimaad ee naf badbaadinta ah oo uu umadda degaankaasi u hayo, balse ku doodeysa inuu mar ahaan jiray Xabsi, ayaa qoraal u dirtay dhowaan wasaaradda caafimaadka dowladda Federaalka iyadoo ka dalbatay in dhismaha Keysaney dib loogu wareejiyo si shaqadii uu hore ugu hayay ee xabsiga ahayd loogu qabto, taasoo aad looga horjeestay isla markaana ay ka hor yimaadeen xildhibaanno iyo dadweyne kala duwan.

Guddoomiyaha Degmada Kaaraan ayaa ugu deeqay wasaaradda Cadaaaladda dhul ay xabsi ka dhigato haddii ay dooneyso in xabsi ay dhisato degaanka isbitaalka Keysaney ku yaallo, iyadoo gobolka Banaadir uu sidoo kale diyaar ula yahay wasaarada cadaaladda inuu dhul ka siiyo degmadii ay ka dooneyso gobolka Banaadir si ay xabsiga Turkigu ku deeqay uga dhisato. Laakiin waxaa muuqata in wasaaradda Cadaaladda dano kale ka leedahay Isbitaalka Keysaney.

Guddiga arrimaha Bulshada Baarlamaanka oo arrintan gaartay ayaa isna dhowaan booqday Isbitaalka Keysanay waxayna ugu baaqeen wasaaradda cadaaladda inay tallaabada codsiga ah dib uga laabato, iyadoo sheegay in Keysaney ay tahay goob muhiimad weyn ugu fadhida dadka degan Gobolka Banaadir.

Marka la eego ololaha balaaran iyo diidmada ka hor timid arrintan ah in Isbitaalka Keysaney la baabi’iyo loona celiyo xabsi uu hore u ahaa waxaa adkaan doonta in qorshaha wasaaradda cadaaladda uu meel maro, waxaana la yaab leh in wasaaradani ku fekerto burburinta isbitaal daryeel caafimaad u fidiya in ka badan 2 milyan oo ruux oo ku nool Muqdisho, Sh/dhexe iyo gobollada ku xeeran.

Wax ka bedelka iyo ka hadalka in Isbitaalka Keysaney dib loogu celiyo xabsi waxay si gaara u taabaneysaa dadka Waqooyiga Muqdisho oo Isbitaalkaasi uu yahay midka kaliya ee dadweyne oo caafimaad ahaan uga shaqeeya degaanadaasi, wuxuuna ku furmay xaalad ka dhalatay dagaaladii sokeeye ee Muqdisho, iyadoo gacanta ku heyso Hay’adda ICRC.

Hoos ka daawo sawirro aanu ka soo xiganay icrc oo ku saabsan waxqabadka isbitaalka Keysaney.

kayd 1kayd 2kayd 3kayd 4kayd 5

Isha: Goobjooge