Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka koofur galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan iyo madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe aya maanta tagay magaalada Garoowe ee Puntland.
Waxaa magaalada Garoowe kaga horeeyay madaxaweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo maalintii shalay tagay magaalada Garoowe.
Madaxweynaha Puntland C/welli Gaas ayaa kusoo dhaweeyay dhamaantood magaalada Garoowe oo marti gelineyso shir wadatashi ah oo u dhaxeeyo dowlada Federaalka iyo maamul goboleedka dalka ka dhisan qaarkood.
Shirka ayaa saacad ka dib la filayaa inuu ka furmo magaalada Garoowe ee maamulka Puntland, waxaana uu socon doonaa muddo labo maalin ah, sida qorshaha uu yahay.
Qeybta hore ee shirkaan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya, waxaana gabo gabadiisa ay kasoo saareen war murtiyadeed muujinaya waxyaabaha shirkooda kasoo baxay.
Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]