XOG: Fashil laga baqayo inuu ku yimaado shirka gobollada dhexe ee CADAADO kaddib markii…

Cadaado (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya kala aragti duwanaanshaha laga qabo shirka magaalada Cadaado ee maamulka loogu dhisayo gobolada dhexe ee dalka.

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa u muuqo kuwo ku kala aragti duwanaaday dhankooda kala derista gudiga farsamada maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Cabdi Maxamed Suldaan Axmed Nuur, madaxweyne ku xigeenka Ximan iyo xeeb oo saxaafada shalay kula hadlay magaalada Cadaado ayaa sheegay inaan lagala tashan kala deristii gudiga farsamada maamul u sameynta gobolada dhexe.

Careys Maxamed Xaaji, oo ku hadlay afhayeenka Ximan iyo Xeeb ayaa dhankiisa sheegay in golaha wasiirada maamulka Ximan iyo xeeb dhankooda ay qabaan aragti ah kala derista gudiga farsamada.

Gudoomiyaha gudiga farsamada oo dhankeeda saxaafada kula hadashay magaalada Cadaado ayaa si adag u sheegtay in marnaba aysan wax ka jirin kala deristii lagu sameeyay.

Waxay sheegtay in beel ay u doorteen booska ay ku fadhido haddana ay kalsoonida kala laaban karaan beesheeda, sida ay hadalka u dhigtay.

Arinta cirka xiisada ku sii shareertay ayaa ah markii la ogaaday in xubno ka tirsan wasaarada arimaha gudaha ay ololo la bilaabeen musharax C/kariin Guuleed.

Waxay soo saareen warqado ay ku sheegayaan in lagu kala eryayo odayaasha ku sugan magaalada Cadaado loogana saarayo goobaha ay ka degenaayeen magaalada Cadaado, taasi oo ujeedada laga lahaa lagu sheegay iney ka agdhawaadaan musharaxiinta qaar oo hoy dajiya si loogu sheego danta laga leeyahay.

Wararka qaar ee soo baxaya ayaa sheegaya in odayaal laga waday magaalada Muqdisho la geeyay magaalada Cadaado kuwaasi oo la doonayo in odayaasha lagu badalo, si howlo gaar ah loo fushto.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaanan wali si toos ah kaga hadlin xiisada ka taagan magaalada Cadaado ee maamulka Ximan iyo Xeeb.

Waxaa qaar kamid ah waxgaradka iyo siyaasiyiinta aan ku jirin arimaha Cadaado ay ka baqayaan in dagaalo cusub ay iminka ka bilowdaan maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com