“Xasan SH. awood uma laha in beesha caalamka uu kala hadlo XAQIIQDA dhabta ah ee taagan”…!

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdulle Xuurshow oo kamid ah Odayaasha Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uusan nasiib u laheyn in Beesha Caalamka uu hordhigo xaqiiqda dhabta ah ee ka jirto Somalia.

Waxa uu sheegay in Somalia aysan u baahneyn dhaqaale aan wax loogu qabaneynin Umadda Soomaaliyeed, balse ay u baahan tahay kaliya in garab lagu siiyo sidii ay ula soo bixi laheyd kheyraadka dalkeeda ku jira.

Mar uu ka hadlaayay kulanka ay Madaxdu la qaateen Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry ayuu sheegay in kulankaasi uu yahay mid lamid ah kan looga shaaho goobaha Bulshada, taasi oo uu sababteedu ku sheegay mid aan looga faa’iideyn shacabka Soomaaliyeed.

”Wax micno ah sooma kordhinaayo kulan lala qaato wufuud heer caalami ah, waayo Somalia waxa ay u baahan tahay in laga saacido la soo bixida kheyraadka uma baahno in loogu deeqo dhaqaale aan la garaneynin halka ay ku baxdo”

”Haa wey dhacday weyna dhaceysaa in dhaqaalaha DF loogu deeqo aysan soo dhaafin gacanta labada mas’uul ee ugu sareyso, balse xisaabtan ayaa ka dambeeya”

Dhanka kale, waxa uu Madaxweyne Xassan iyo Beesha Caalamka ugu baaqay inay xooga saaraan sidii looga kaaftoomi lahaa dhaqaale loogu yabooho Somalia, islamarkaana ay taabagaliyaan Kheyraadka dalka oo aan jirin cid ka faa’iideysata.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com