Mungaab oo u hanjabay dadka ku nool Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen ‘’Mungaab’’ ayaa sheegay in Ciidamada Gobolka looga baahan yahay inay il gaar ah ku hayaan dadka ku dheelaaya bilicda Magaalada Muqdisho.

Mungaab ayaa sheegay in Maamulka Gobolka uu Talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono dadka caadeystay in hareeraha wadooyinka ay soo dhigaan qashinka.

Waxa uu sheegay in dadkaasi ay sabab u yihiin qalqal galinta amaanka Magaalada Muqdisho, waxa uuna tilmaamay inay fududeynayaan in qashanka yaala hareeraha wadooyinka lagu aaso Bam aakhirkii waxyeeleyneysa shacabka ku shaahay goobaha lagu shaaho ee ku yaala hareeraha wadooyinka.

‘’Dadka caadeystay in guryahooda ay kasoo qaadan wasaqda soona dhigaan wadooyinka waxaan u sheegayaa inay la kulmi doonaan ciqaab hadii lagu qabto falkaasi’’

‘’Ciidamada Gobolka iyo kuwa Degmooyinka la shaqeeya haka feejignaadan dadka qashinka lagu soo dhex qarinaayo walxaha qarxa soo dhiga hareeraha wadooyinka’’

Hadalka Mungaab ayaa imaanaya iyadoo inta badan qashinka lasoo dhigo hareeraha wadooyinka lagu dhex qariyo Miinooyinka qarxa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com