CCC Sharma’arke: Waxa magaalada Cadaado ka socda waxaa ku jira waxyaabo aan lagu heshiin!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo booqasho ku jooga Magaalada Washington ee xarunta dalka Mareykanka, ayaa sheegay inuu dusha kala socdo waxyaabaha ka socdo Cadaado.

Waxa uu sheegay inay jiraan waxyaabo badan oo qaldan, wuxuuna tilmaamay inaan loo dulqaadan doonin hadii ay xaqiiqda imaado.

”Xukuumadu wado iyada u gaar ah ayay u dejisay Shirka Cadaado. waxaa ii muuqda in la baalmaray balse xisaabtan ayaa imaan doono”

Waxa uu cadeeyay inay jiraan Siyaasiyiin iyo Ergooyin badan oo ka shaqeynaayo inuu burburo shirka Cadaado, waxa uuna ka digay in faragalin aysan la socon xukuumada Somalia laga dhex sameeyo Hoolka uu shirka ka socdo.

Ma uusan sheegin wax yaabaha sida qarsoon uga taagan Hoolka uu shirka ka socdo, balse waxa uu rajo xumi ka muujiyay nidaamyada hoose oo loo adeegsanaayo shirka.

Dhanka kale, waxa uu ka digay in shirka lala baalmaro shuruucda u degsan iyo in Ergooyinka ay ka shaqeeyan cadaawad salka ku heyso Siyaasada ka taagan shirka oo ay ku kala fogaadan Ergooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com