FBI-da oo ku dhagan Somali dhaqaale siiyey ISIS

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer-ilaaiyaha Maraykanka ee Gobalka Minnesota ayaa ku soo oogay Labo nin oo Somali Maraykan ah inay ku guda-jireen sidii ay dhaqaale ugu ururin lahaayeen Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalka Syria.

Labada nin oo lagu kala magacaabo Xamsa Ahmed iyo Hanad Mustafa Musse ayaa waxaa horey loogu soo oogay inay qorsheynayaan inay u dhoofaan dalka Syria, si ay uga barbar dagaalamaan Kooxda Daacish.

Eedeysanayaasha waxaa lagu soo oogay inay u adeegsanayeen lacag ka badan Kun Dollar, si ay dhaqaale ahaan ugu taageeraan Kooxda Daacish.

Lacagahaasi ayaa la sheegay inay ahayd lacagaha loogu deeqay Kolejkii ay dhiganayen.

Dhinaca kale, Xamsa Ahmed iyo Hanad Mustafa Musse waxay ka mid yihiin Toddobo Somali Maraykanka u xiran inay ku biiri lahaayeen Kooxda Daacish, iyadoo lix ka mid ah Eedeysanayaasha dacwad lagu soo oogay bishii hore ee April.

Dhinaca kale, Maxkamadda magaalladda Minneapolis waxaa mar kale la soo taagay Abdirahman Daa’uud oo ku eedeysan inuu qorsheynayey inay isaga iyo saaxiibkiisa Mohamed Farah ku biiraan Kooxda Daacish.

Saraakiisha FBI-da ayaa la sheegay inay Labada Eedeysane qabteen, xilli ay doonayeen inay ka gudbaan xuduuka dalka Meksiko, si ay ugu sii dhoofaan dalka Maraykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com