Xog: Xisbiga Midnimada Dimuquradiyadda oo ku gacan seeray inay la fariistaan XASAN SHEEKH !

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Xisbiga Midnimada Dimuquraadiyadda Somalia, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu Gudoomiyaha Madasha ka dalbaday inay ka wada xaajoogan Siyaasada dalka.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Xassan Sheekh uu Codsigaasi mariyay Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia C/weli Sheekh Axmed, ahna Gudoomiyaha Madasha Midnimada Dimuquraadiyadda Soomaaliya, balse waxaa la sheegayaa in C/weli uu ku gacanseeray.

”Waa xaqiiqo in Xassan Sheekh uu Madasha ka dalbaday inay wada fadhiistaan oo ay kawada hadlaan Siyaasada dalka. Hogaanka Madasha dhab ahaantii uma cuntamin waayo laba hadaf ayaan kala wadanaa Xassan Sheekh dalka ayuu gaf ka galay, wakhtiga kooban ee u harsan ayuu ka faa’iideysanayaa”

Waxa uu sheegay in Hogaanka sare ee Madasha ay ka cudur daarteen in Madaxweyne Xassan ay xiligaani kala fadhiistaan Amuuraha dalka xili ay gabaabsi tahay Dowladiisa.

Wuxuu cadeeyay in Madashu ay ka go’an tahay inay kusii dhaga adeegto go’aankeeda ah inaan lala fadhiisan Xassan Sheekh iyo Dowladiisa, markii laga reebo kulamada guud oo ay ku mideysan yihiin.

Dhanka kale, Xubintaasi ayaa ka shanqarisay inay hamuun u qabaan in Somalia ay ka dhaliyaan Hormar ku saleysan shuruucda dalka u degan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com