Kismaayo oo kala xiran iyo gaadiidka xamuulka oo ku qulqulaya DEKEDDA (Maxaa ka cusub?) !!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda hoose, ayaa sheegaya in inta badan Magaalada ay tahay mid kala xiran, waxaana la soo warinayaa in wadooyinka qaar lasoo dhoobay Ciidamo aad u gaashaman.

Gaadiidka Xamuulka qaada ayaa kusii qulqulaayo Dekada weyn ee Magaalada Kismaayo, waxaana la tilmaamayaa in halkaasi uu kusoo xirtay Markab laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta oo sida gaadiidka dagaalka oo loogu talo galay Maamulka Jubba.

Gaadiidka maanta usoo degay Maamulka ayaa waxa ay isugu jiraan baabuurta gaashaaman, kuwa xamuulka qaada iyo kuwa soomaalidu u taqaan tiknikada.

Wafdi uu hogaaminayo safiirka Imaaraadka ee Somalia Maxamed Al Cuthmani ayaa saakay gaaray Magaalada Kismaayo si deeqdaasi uu ugu wareejiyo Maamul goboleedka Jubaland.

Deeqdaasi ayaa waxa ay qayb ka tahay balanqaad dowlada Imaaraadka usamaysay Maamul goboleedka Jubaland xili wafdi uu hogaaminayo Madaxwaynaha Jubaland ay booqasho rasmi ah ku tageen dalka Imaaraadka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com