DAGAAL culus oo ka dhacay gobolka Galgaduud

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in deegaano gobolkaasi hoostaga ay ku dagaalameen Cutubyo ka tirsan Ciidamada Maamulka Ahlusuna iyo dad shacab ah.

Dagaalka xoogiisa ayaa waxa uu ka dhacay Deegaanka olol oo hoostaga Degmada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, waxaana lagu soo waramayaa in dagaalka uu geystay Khasaaro isugu jira naf iyo maalba.

Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaayo in dagaalka xoogiisa uu u dhexeeyo Ciidamada iyo dad xoolo dhaqato, waxaana iminka halkaasi ka socda barakac xoogan.

Labada dhinac ayaa isu adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan waxaana halkaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaarayo ilaa 12 oo soo kala gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah.

Ma jiraan wax waan waan ah waxaana weli is horfadhiya Ciidamada Maamulka iyo xoola dhaqatada, mana jirto cid ilaa iyo iminka ka hadlay dagaalkaasi.

Xaalada ayaa weli ah mid isku cakiran waxaana la maqlayaa rasaas goos goos ah oo labada dhinac ay is weydaarsanayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com