R/W CC Sharmaarke oo la wareegaya mooshinka JUBBALAND (Maxay tahay sababta fara-gelinta?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali (Sharma’arke) ayaa soo dhex galay mooshinka doodiisu ka socoto Baarlamaanka Soomaaliya ee ka dhanka ah maamulka Jubba loogana soo horjeeda qaabka loo dhisay baarlamanaka kumeelgaarka ah ee Jubba.

Cod loo qaadi lahaa mooshinkan ayaa dib u dhacay maalintii Arbacada kadib markii kooramku dhamaan waayay, waxaana lagu balansanaa in Sabtida codka lo qaado iyadoo sidoo kale uu Baarlamaanka ka baaqsaday inuu hor tago wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka C/raxmaan Odowaa.

Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa lagula taliyay inuusan dhex gelin mooshinka Jubba, laakiin wuxuu ku adkeystay inuu guddi arrintaas qaabilsan sameyn doono kadib shirkii golaha wasiirada ee Khamiistii, arrintaasina xukuumadda la wareegi doonto kadib markii ay soo baxday cabsi ku saabsan in mooshinkani uu keeno inuu xumaado xiriirka dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubba.

Xildhibaanno badan oo mooshinkan waday ayaan la ogeyn sida ay ka yeeli doonaan qorshaha ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ee ah in xukuumaddu xal u raadiso arrinta baarlamaanka Jubba, iyadoo xildhibaanno badan aaminsan yihiin in dowladda oo dhami aanay awood u lahayn xalinta arrintan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com