Nabadoon caan ahaa oo maanta la afduubtay iyo cidda la baxsatay oo la ogaaday (FAAH-FAAHIN)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in Ciidamada DF Somalia ay hoygiisa kala baxeen Nabadoon Asaar Rufaac Sheekh oo ka mid ah Odayaasha Golaha Dhaqanka.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Hooyga Nabadoonka ay weerareen Ciidamada DF ee Baraawe, waxa ayna si awood ah ula baxeen Asaar Rufaac.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo magaciisa ku sheegay Muscab Ayuub Xaaji ayaa warbaahinta u sheegay in xalay mar la damcay in Nabadoonka lagala baxo hoygiisa, balse aysan suurta gelin, saakayna dib loo soo weeraray markale sidaana lagula baxay.

Muscab Ayuub Xaaji oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Ciidan uu watay Gudoomiye ku-kigeenka Degmada Baraawe, Bashiir Maxamed Yuusuf, ayaa xalay gurigiisa ku weeraray Nabadoonka, laakiin Nabadoonka wuu diiday in albaabka uu ka furo.”

“Saakay ayay hadana ku soo weerareen gurigiisa, way jirdileen, wayna kaxaysteen ma garanayno waxa laga rabo Nabadoonka, qoyska Nabadoonka waxba looma sheegin.”

Nabadoon Asaar Rufaac Sheekh, ayaa mudooyinkaani dambe ka mid ahaa Odayaasha sida aadka ah uga soo horjeeda Gudoomiyaha Degmada Baraawe oo isagu culeys ka heysta dhanka Maamulka Gobolka.

Odayaasha iyo waxgaradka Degmada Baraawe, ayaa DF Somalia ugu baaqay inay wax ka qabato ficilka lagula kacay Nabadoon Asaar Rufaac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com