XOG: DANJIRE Axmed Cabdisalaan oo xilka laga qaaday (XASAN iyo isaga oo ay ka tafan tahay)

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Danjire Axmed Cabdisalaam Xaaji Aadan, ayaa xilka laga qaaday, sida ay ilo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online.

Xil ka qaadista Axmed Cabdisalaam, ayaa waxaa la filayaa in si rasmi ah loogu shaaciyo shirarka ugu soo horreeya ee golaha wasiirada dowladda Soomaaliya, sida ay xogtan leedahay.

Go’aanka xilka looga qaaday Axmed ayaa waxaa iska leh madaxweyne Xasan Sheekh oo bilihii ugu dambeeyey aad uga carreysnaa ololaha Axmed ee ku aadan maamulka loo dhisayo gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa diidan musharaxnimada Axmed ee xilka madaxweynaha maamulkaas, isaga oo u arka ninka kaliya ee qatar gelin kara rajada Cabdkariim Xuseen Guuleed, oo ay saaxiibo yihiin.

Dad ku dhow Axmed Cabdisalaam ayaa Caasimada Online u sheegay inuusan la yaabaneyn go’aanka Xasan Sheekh oo ah mid uu muddo filayey. Axmed Cabdisalaam ayaa la filayaa inuu maanta gaaro magaalada Cadaado, isaga oo sii dhaqaajin doono ololihiisa uu ku doonayo inuu ku noqodo madaxweynaha maamulka Mudug iyo Gal-Gaduud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com