XOG: Socdaal kama daale, Xasan Sheekh oo mar kale ka safraya Muqdisho (Xagee buu ku jeedaa)!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha aan safarka ka daalin ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu mar kale ka baxo magaalada Muqdisho, isaga oo ku wajahan magaalada Johannesburg ee dalka South Africa, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Xasan oo saddexdii bishan June un kasoo laabtay safar qaatay in ka badan toddobaad oo uu kaga qeyb galay caleemo saarka madaxda Nigeria iyo Sudan, ayaa la filayaa in jimcaha ama sabtida uu ka baxo Muqdisho.

Waxaa sida qorshaha yahay uu Johannesburg kaga qeyb gali doonaa shir madaxeed ay yeelaan hogaamiyayaasha dalalka ku bahoobay ururka Midowga Africa. Shir madaxeedka ayaa dhici doona 14-ka illaa 15-ka bishan June.

Socdaalka Xasan Sheekh ayaa waxaa ku bixi doonaa sida la qiyaasay 180,000 oo dollar, maadaama ay wehlin doonaan xubno badan oo ka mid ah saaxiibadiisa. Socdaalkii qaatay toddobaadka ee uu ku tagay Nigeria iyo Sudan waxaa ku baxay 267,000 oo dollar.

Cel celis ahaa, Xasan Sheekh ayaa bil walba safra saddex goor, isaga oo cel-celis ahaan 10 maalmood oo ka mid ah 30-ka maalmood ee bil walba ku qaata dalal kale. Waa madaxweynaha ugu safarka badan caalamka.

Caasimada Online
Xafiiska Somaliland
Caasimada@live.com