Wasiirkii Cadaalada oo is-casilay + Khilaaf cusub

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirkii Caddaaladda ee Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa xilkiisi si rasmi ah isaga casiley maanta oo Sabti ah. Wasiirka oo Saxaafadda kula hadley gudaha xarunta Puntland ee Garoowe ayaa is-casilaadiisa ku sababeeyey arrimo dhawr ah.

Ugu horeyntii wuxuu si cad u sheegey wararkii sida weyn la isula dhex-marayey ee Golaha Wasiirada cusub ee la doonaayo in lagu dhawaaqo in ay tahay mid jirta, isagu in uu sii ahaado Wasiir iyo in kalena ay isku qabsadeen Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, taasina ay ku qasabtey in uu xilka iskiis u baneeyo.

Wasiirka ayaa saxaafadda u xaqiijiyey jiritaanka khilaafka Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa marka la eego isku shaandheynta iyo wax ka beddelka golaha Wasiirada.

Wasiirka xilka baneeyey ayaa dhanka kale shegey in Wasaaraddiisu tirsaneyso in aysan helin wax xuquuq ah oo 8 bilood ee la soo dhaafey aysan si nadiif ah u helin xuquuqdooda. Wasiirkii Caddaaladda ayaa noqonaya Wasiirkii u horeeyey ee xilka baneeya tan iyo markii lagu dhawaaqey Xukumadda Prof. Gaas Bishii Janaayo 2014.

Ismaciil Maxamed Warsame ayaa ka tirsan Golaha Wakiilada ee Puntland, waxaana uu ka mid yahay Xildhibanada Sool & Cayn.

Saxaafadda ayaa looga yeeray Madaxtooyada Wixii war ah ee ku soo kordha gadaal ayaa laga daabacayaa.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com