Xog cusub: Ma rumeysan lahayd in arrimahan ay ka dhex socdaan maamulka gobolka BANADIR?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka howlgala Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Xafiiska Maaliyada Gobolka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in dhaqaalaha loogu talo galay in lagu hormariyo Gobolka Banaadir lagu bixiyo wadooyin qaldan.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” uu si xad dhaaf ah dhaqaale adag usiiyo Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada Federaalka kuwaasi oo loo qoro Jeega lacagaha lagu bixiyo.

Bixinta lacagahaasi xad dhaafka ah ayaa waxa uu khilaaf adag ka dhex dhaliyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mungaab iyo Gudoomiye ku-xigeenadiisa kadib markii ay dhowr jeer ka biyo diideen in dhaqaalaha Gobolka lagu bixiyo wadooyin kale.

Sargaal ka howlgala Xafiiska laga bixiyo Maaliyada Gobolka oo magaciisa ka gaabsaday ayaa inoo xaqiijiyay in Wasiirada iyo Xildhibaanada midkiiba ugu yaraan uu qaato lacag dhan 3,000$, waxa uuna intaa ku daray hadalkiisa in sidoo kale Xafiiska Muungaab ay usoo dhaqaale doontaan Odayaal dhaqmeedyo oo iyaguna la siiyo lacag badan.

Waxaa kale oo jira dhul dan guud ah ama ay leedahay dowladda hoose ee Muqdisho oo Muungaab uu xaraash ku hayo iyo qaar la siiyo dad siyaasad ahaan mucaaradsan Muungaab oo lagu aamusiyo.

Sargaalka ayaa sidoo kale tilmaamay in Seddex meelood hal meel iyo bar aan shaqaalaha Gobolka lasiin Mushaarkooda muddo saddex bilood ah, inkasta oo gobolka uu dhaqaale badan soo galo.

Ma jirto cid gaar ah oo ka danqaneysa dhibta lagu hayo shaqaalaha Dowlada Federaalka waxa uuna musuqa yahay mid isku xiran min Madaxtooyada ilaa Gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com