Madaxweynaha cusub oo ballan-qaad sameeyay!

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Iyadoo Ahlu sunna oo kasoo horjeeda dhismaha maamulka Galmudug ay doorasho ku qabteen magaalada Dhuusomareeb ayaa waxaa balanqaad sameeyay madaxweynihii la doortay.

Madaxweynaha Ahlu sunna ee gobolada DHexe Sheikh Maxamed Shaakir ayaa hadal ka jeediyay xaflad lagu doortay oo ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha lagu soo doortay qaabka mucaaradnimada ayaa cadeeyay inuu ka shaqeyn doono sidii loo hormarin lahaa  gobolada uu madaxweynaha ka yahay ee Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug sida uu sheegay.

Sheikh Maxamed Shaakir, ayaa sheegay in doorashadii ka dhacday magaalada DHuusomareeb ee isaga lagu doortay ay aheyd mid muujinaya cadaalada iyo dimuqraadiyada.

Wuxuu sheegay inuu balanqaadayo horumarinta maamulka Galmudug ee uu madaxweynaha ka yahay, sida uu hadalka u sheegay,

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com