Gen. Indha-Qarshe oo sheegay been lala yaabay!

Muqdisho (Caasimada Online) – Daahir Aadan indho qarshe oo ah Taliyaha ciidamada Xoogga dalka, ayaa beeniyay wararka la xiriira in Cidamada DF Somalia iyo kuwa AMISOM ay isaga baxeen Saldhigyo ay ku lahaayen G/Sh/Hoose.

Waxa uu sheegay in inta badan Ciidamada DF Somali iyo kuwa AMISOM ay weli ku sugan yihiin Gobolka, balse waxa uu tilmaamay inay suuragal tahay in xiligaani iyo wixii ka dambeeya ay kasoo baxaan.

Indha qarshe waxa uu sheegayay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda aysan weli ka bixin degmada Qoryooleey iyo deegaanka Awdhiigle ee Sh/hoose balse ay ku suganyihiin meelo ku dhaw dhow.

Sidoo kale, waxa uu intaa hadalkiisa kusii daray inay macquul tahay in dadku ay arkeen Ciidamada oo rondo sameynaaya taasina ay u fasirteen in Cidamadu ay kaa guuren xarumaha ay ku sugnaayen.

“Saldhig ama deegaan sideedaba labo ujeedo ayaa loo qabtaa in Ciidamada ay ka eryaan cadowga ama in ay inoo tahay istaraatiijiyad aan uga soo gudbeyno deegaano kale ee ma aha macanaha in cabsi looga baxay meelaha qaar, mana jirto Saldhigyo badan oo laga baxay”

Haddalka Taliyaha ayaa u muuqanaayo mid ay DF Somalia ku dafireyso dhaqdhaqaaqyada ay Ciidamada AMISOM iyo kuwa DF uga baxayaan G/Sh/Hooseiyo xaqiiqda jirta ee warbaahinta ay soo werisay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com