Sirdoonka GERMANY oo soo bandhigay magaca iyo sawirka ruuxii isku qarxiyay Hotel JAZEERA!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda amaanka dalka Jarmalka ayaa soo bandhigtay Sawirka iyo magaca shaqsigii fuliyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday Hoteel Jazeera ee Magaalada Muqdisho.

Sargaal ka tirsan Hay’adda ayaa xaqiijiyay in baaritaano dheer kadib ay u suuragashay inay helaan magaca iyo sawirka naftii haligahaasi, waxaana magaciisa lagu sheegay Abdirizak Bouh.

Sargaalka oo la qariyay magaciisa ayaa Wakaaladda Reuters u xaqiijiyey in Abdirizak uu ku dhashay dalka Libya waxa uuna tilmaamay inuu wada isticmaalaayay Laba Baasaboor oo kala ah Somalia iyo Libya.

Baaritaanka ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in ruuxaasi uu dhashay sanadka markii uu ahaa 1985 isaga oo ku noolaa magaalada Bonn ee dalka Jarmalka.

Sawirka iyo Magaca naftii haligahaasi ayaa waxaa lagu ogaaday baaritaan lagu sameeyay dheecaanka DNA.

Abdirizak Bouh ayaa Sanadkii 2009-kii laga celiyay inuu ka dhoofo Jarmalka, kadib markii looga shakiyay inuu doonayay inuu ku biiro kooxaha Islaamiyiinta ah.
Bouh1