Daawo Sawirrada: Qaabkii uu u dhacay kullankii dhex maray Danjire Harriet iyo Axmed Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo Xubno ka tirsan Maamulkiisa ayaa goordhow Magaalada Kismaayo kula kulmay Danjiraha Dowlada Britain u fadhiya Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Somalia.

Danjire Harriet Matthews iyo Xubno ay hogaamineysay ayaa Mas’uuliyiinta Maamulka ka dhageystay warbixino la xiriira dhanka Siyaasada, Amaanka iyo dhaqaalaha, waxa ayna aad u bogaadisay amaanka Magaalada Kismaayo.

Kulanka ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee garoonka diyaaradaha Kismaaayo waxaana dibad joog laga dhigay guud ahaan bahda saxafadda Kismaayo ka shaqeysa ee garoonka xaadirtay.

Kulanka oo qaatay muddo Laba saac ku dhow ayaa waxaa markii danbe meel fagaaro ah Saxaafada si wada jir ah kula hadlay Danjire Harriet iyo Axmed Madoobe waxa ayna sheegen in Ujeedka socdaalka uu yahay in wax laga bedelo Siyaasada, Amaanka iyo Dhaqaalaha Gobolka.

Harriet, ayaa iyana dhankeeda ka bogaadisay ansixinta dastuurka Jubbaland, waxa ayna sheegtay in booqashadeeda ay waxbadan ka bedeli doonto xaalada Kismaayo iyo tan Maamulka.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
1

2

3

4

5

6

7

8

10