Kismaayo (Caasimada Online) – Baarlamanka KMG ah ee  Jubba ayaa maanta magacaabay Guddiga Doorashada Madaxweynaha mamaulkaasi oo la filayo in bartamaha bishan ka dhici doona magaalada Kismaayo, iyadoo guddigan uu qaban doono howsha adag ee doorashada iyo qabashada araajida musharixiinta.
Guddoomiyaha Baarlamanka Jubba Sheekh Cabdi Maxamed C/raxmaan ayaa sheegay inay baarlamaanka isku raaeen inana waqti lagu kordhin  xilliga doorashada oo loo asteeyay oo ah 15-ka bishan August, 2015.
Magacyada guddiga doorashada  Jubba waxay kala yihiin:
- Xabiibo Maxamed Cabdulle       Guddoomiye
- Axmed C/xafiid Maxamed        Guddoomiye ku xigeen
- Xuseen Xirsi Axmed             Xoghayn
- Cabdi Maxamed Cabdi           Xubin
- Cismaan Xuseen Rooble         Xubin
- Bashiir Axmed Cumar           Xubin
- Xasan Xaaji Maxamuud         Xubin
- Axmed Ismaaciil                Xubin
- Cabbaas Cali Ibraahim          Xubin
Wararka laga helayo Kismaayo ayaa sheegaya in xilliga doorashada madaxweynaha Jubba la kordhin doono kadib kulan ay isugu yimaadaan baarlamaanka iyadoo la qorsheeyay inu Guddigan uu sidaasi codsado.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com