Xukuumadda R/W CCC oo si adag ugahadashay dhacdadii Marko & sarkaal Xamar looga yeeray

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya ayaa maanta si adag kaga hadlay dhacdadii ciidamada AMISOM ka geysteen magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose, kadib dilkii loo geystay dadka rayidka ah.

Wasiirka oo ka hadlay Raadiyaha dowlada ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya marnaba aysan raali ka aheyn dhibaateynta dadka shacabka ah ayna la xisaabtamayaan cid walbaa oo dhibateysa haddi ay yihiin AMISOM iyo ciidamada dowlada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada AMISOM lagula xisaabtamayo dhibaatada lagu eedeeyay ee ah dilalkii ka dhacay magaalada Marko, sidoo kalana gudi dowlada Soomaaliya u xilsaartay baaritaanka dhacdada ka dhacday magaalada Marko.

“Shacabka Soomaaliyeed in la dhibaateeyo mar walbaa looma dul qaadanayo, Dhibkii ka dhacay Marko ee AMISOM gudi ayaa lii xil saaray, mana u dulqaadan karno dhibaateynta shacabkeena sababto ah shacabka waxay u baahan yihiin nabad galyo iney ku noolaadaan”Ayuu yiiri Mr Diini.

Ugu dambeyn dad uu ku tilmaamay iney cadow yihiin ayuu sheegay iney ka badbadinayaan dhacdooyinka ay geysteen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya ee ku sugan degmooyinka kala duwan ee dalka Soomaaliya.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho looga yeeray sarkaalkii ka dambeeyay dhibaatada loo geystay dadka shacabka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com