Madaxweyne Xasan Sheekh, Jawaari, R/W CCC iyo baarlamanka Somalia oo 4 maalin loo qabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudiga doorashooyinka qaranka ayaa muddo afar maalin ah u qabtay xubnaha ugu sareeyo dowlada Soomaaliya oo ku aadan iney cadeeyaan nooca doorasho ee ka dhaceyso dalka Soomaaliya sanadka 2016.

Xaliimo Ismaaciil Yareey, gudoomiyaha gudiga doorashooyinka qaranka Soomaaliya ayaa waxay sheegtay in 15 bishan agoosto ay ka doonayaan madaxda ugu sareyso dalka iney usoo gudbiyaan noocah doorashada dhaceyso sanadka soo socda.

Xaliimo yareey ayaa sheegtay iney dhankooda wadaan diyaar garowga doorashada sanadkan dhaceyso, laakiin loo baahan yahay iney helaan xogta ugu dambeyso si ay isku diyaariyaan gudigooda.

“Madaxda Dowladda, Xukuumadda iyo Baarlamaankaba waxaa laga rabaa inay cadeeyan nooca, ay noqon doonto doorashada sanadka 2016-ka la qaban doono, haddii ay sheegeen inaysan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo codkii ah.” Ayay tiri Xaliima yareey.

Xaliimo yareey ayaaa ku dhawaaqday maalinta ay kama dambeys ka sugayaan masuuliyiinta dowlada Soomaaliya iney ku dhawaaqaan nooca doorasho ee dhaceyso 2016.

“15-ka bishan August waxaan ka rabnaa inay noo sheegaan qaabka ay u dhici doonto doorashada. Dadka Somaliyeed oo dhan waxay suggayan noocii ay doorashadu noqon laheyd.” Ayay tiri Xaliima Yarey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com