Xogtii ugu dambeysay dagaallada Caabud Waaq

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa wali taagan xiisada magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ee u dhaxeysa maamulada Galmudug iyo Ahlu sunna oo isku haya gacan ku heynta magaalada Caabudwaaq.

Dagaalka oo xoogiisa maanta uu dhacay ayaa ka dambeeyay kadib markii maalin ka hor magaalada uu tagay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha maamulka Galmudug C/ladhiif Cabdulaahi Warsame.

Ciidamo deegaanka ah iyo kuwo ilaalo u ahaa wasiirka ayaa shalay dagaal kooban uu ku dhexmaray degmada Caabudwaaq, laakiin dagaalka maanta ayaa ka xooganaa dagaalkii shalay ka dhacay degmada.

Ciidamada taageersanaa maamulka Galmudug ayaa shalay helay taageero aan badneyn, waxaana saaka dagaal xoogan  marka qura ay kala kulmeen ciidamada loo yaqaan Sufa oo ka tirsan Ahlu sunna.

Dagaalka ayaa markii dambe qaab qabiileed isku badalay, maadaama odayaasha dhaqanka isku dayeen iney xiisada qaboojiyaan laakiin aysan suuro galin.

Ciidamada Ahlu sunna ayaa doonaya iney la wareegaan maamulka degmada Caabudwaaq halka ciidamada Galmudug ay ilaalo u yihiin wasiirka ganacsiga oo halkaasi arimo siyaasadeed u tagay magaalada Caabudwaaq.

Inta la xaqiijiyay 12 ruux oo ah dhinacyada dagaalamay iyo dad rayid ah ayaa ku dhintay magaalada, waxaana dhaawacyo ay soo gaareen inka badan 20 ruux.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa bilaabay iney ka barakacaan magaalada Caabudwaaq iyaga oo ka baqaya in dagaalo ka dhaca magaalada ay saameyn ku yeeshaan.

Labada maamul ee Ahlu sunna iyo Galmudug ayaa midba midka kale ku eedeynaya masuuliyada weerarka ka dhacay magaalada Caabudwaaq, waxaana laga baqayaa mar walbaa iney dagaalo ka dhacaan magaalada Caabudwaaq.

Odayaasha dhaqan ee magaalada Caabudwaaq ayaa waddo dadaalkii ugu dambeeyay oo ay ku doonayaan ineysan markale dagaalo ka dhicin magaalada, waxayna taleefano kula hadlayaan dhinacyada dagaalamay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com