Goorta uu furmayo shirka wadatashiga hanaanka doorashada sanadda 2016-ka oo la shaaciyay..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow shaaca laga qaaday xiliga uu furmi doono shirka wadatashiga ee looga hadlaayo hanaanka doorashada iyo aayaha siyaasadeed ee sannadka 2016.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Xassan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul wasaare Cumar, ayaa sheegay in shirkaasi uu si rasmi ah u furmi doono Taariikhdu marka ay tahay bishan 20-keeda uu magaalada Muqdisho ka bilaaban doonaan kulamada wadatashiga.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Dowlada ayaa lagu sheegay in shirkaasi lagu marti galiyay dhamaan Maamul Goboleedyada dalka, islamarkaana looga fadhiyo inay kaalin muuqata ka qaatan sidii natiijo looga soo saari lahaa Shirka.

Waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in Madaxweyne Xassan iyo Cumar C/rashiid ay go’aankaasi kaga dhawaaqen Magaalada Kismaayo.

Geesta kale, Kulankaasi ayaa madaxda waxay isku afgarteen in maadaama waqtiga harey uu yar yahay, hawlo badanna ay waddanka horyaalaan loo baahan yahay dardar-gelinta qorshaha siyaasadeed ee dalka oo dhammaan bulshada Soomaaliyeed laga qeybgelinayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com