“Khilaafka Jubaland & DF waxbaa iska beddelay”

Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Aabi Aadan oo kamid ah Xildhibaanada BF Somalia kana soo jeeda deegaanada Maamulka Jubbaland ayaa beeniyay in Khilaafka ka dhexeeya DF iyo Maamulka Jubba uu yahay mid faraha kasii baxaayo.

Xildhibaanka ayaa sheegay inuu aad u yaryahay khilaafka labada dhinac, waxa uuna tilmaamay in aragti ahaan Khilaafkaasi uusan qaadan doonin muddo fog.

Waxa uu sheegay in xiligaani uu aad u yar yahay waxa laga tabanayo maamulkaasi kaliya arrinta Khilaafkana looga gudbikaro in labada dhinac ay wada furaan wada hadal.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in Madaxweynaha Jubbaland uu si cad u sheegay in wada hadalka uu furan yahay, islamarkaana cid walba oo wax tabanaysa la qancinayo, sidaa awgeedna ay muuqato in xal laga gaarayo Khilaafaadka jira.

“Jubbaland iyadu kama didsana DF Somalia iyo dhinacyada wax-tabanaaya. Horay ayuu Axmed Madoobe u cadeeyay inuu diyaar u yahay wada hadal, maqabo in khilaafka yar la adkeeyo ama lasii saro qaado’’

‘’Khilaafka waxaa buun-buuninaayo Idaacadaha xamar iyo warbaahinta kale Siyaasadeenu wey ka fog tahay inaan ka tallo qaadano Idaacado iwm’’

Xildhibaan Axmed Aabi Aadan ayaa ku baaqay in cid walba oo wax ka tabanaysa min Dowlad ilaa Maamul Goboleed ay wada hadal la furaan maamulka Jubbaland iyada oo aan la kicin buuq.

Haddalka Axmed Aabi Aadan ayaa imaanaya xili BF Somalia uu horay u meel mariyay diidmada Baarlamaanka Maamulka Jubbaland, waxaana jira xildhibaanno ku kala aragti duwan maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com