Soma Oil and Gas oo jawaab nooc cusub bixisay

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Soma Oil & Gas ayaa mar kale iska fogeysay eedeymaha lala baalmaray sharciga ee dhawaan loo jeediyay.

Mr Bob Sheppard oo ah Maareeyaha Guud ee Shirkadaas, oo u waramaayay Idaacada VOA, ayaa sheegay in shirkadu ay mar kale ku celineyso in wax lug ah aysan ku laheyn eedeymaha isa soo taraayo ee loo jeedinaayo.

Bob Sheppard waxa uu sheegay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin wax walba oo lagu xaqiijinayo heshiiskooda iyo hawlahooda shaqo ee Somalia.

Isaga oo la hadlaayay VOA ayuu yiri ‘’Aragtideenu waa mid ku saleysan in QM ay dib ugu laabato eedaha ay noo jeedisay, waxaan aaminsannahay inaanay sal lahayn, Soma waxay mar walba u arkeysay howlaheeda si sharciga iyo anshaxa waafaqsan, waxaana muujinay wada shaqeyn buuxda’’

‘’Soma kama soo horjeedo in wax laga weydiiyo heshiiskeeda, waxaan kaloo weydiisannay golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inaan la fariisanno oo aan u sharaxno is faham waaga aas aaska ah iyo halka uu ka jiro, gaar ahaan sida kooxda kormeerka ee Qaramada Midoobay u tarjuntay arrinta la xiriirta heshiiska kobcinta’’

Mr Bob Sheppard waxa uu beeniyay wararka sheegaya in Maamulka shirkada ay waxbadan ka qaldan yihiin iyo in Somalia Heshiiskaasi uusan faa’iido ugu jirin, isaga oona taasi ku sifeeyay hadal barobagaando ah oo shirkada ay ka faafisay QM.

Sidoo kale, Bob Sheppard waxa uu waxkama jiraan ku sheegay inay jiraan Hay’ado yar yar oo ka hoos shaqeeya Shirkada kuwaasi oo ku lug leh shabakadaha Burcad-badeedka.

Mar su’aal laga weydiiyay faa’idada ugu jiri karta shacabka Soomaaliyed howshaan baarista ah ee ay wadaan, ayaa waxa uu ku jawaabay in Shacabka Soomaaliyeed ay dhan waliba ha ahaato shidaal ama saliidba ay faa’iido u tahay taasi oo uu ku micneeyay inay abuureyso shaqo farabadan iyo dhaqaale, oo ay ka faa’iidayaan Dowlada iyo shacabka.

Dacwada Shirkada Soma Oil & Gas ayaa wali ah mid ka furan dhanka QM oo dib u bilowda kiisaska lagu xaqiijin lahaa dacwada Musuq iyo eedeeymaha kale ee Maamulka shirkada loo heysto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com