Cabdi Waal oo fariin culus u diray xildhibaanada

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ku dhagan yihiin gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa haddana qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed waxay fariin dardaaran ah u jeediyeen xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Siyaasi Cabdi Nuure Siyaad, oo kamid ah siyaasiyiinta dhaliilsan dowlada Soomaaliya ayaa ugu baaqay xildhibaanada baarlamaanka iney gutaan waajibaadka qaran ee saaran xildhibaanada Soomaaliya.

Siyaasiga ayaa sheegay in xildhibaanada looga baahan yahay iney gutaa waajibaadka saaran ayna la xisaabtamaan madaxda ugu sareyso dalka oo qaladaad badan ka gala dalka iyo ummada Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay in madaxda dalka aysan ilaalin masuuliyada saaran, sidaasi daraadeedna loo baahan yahay in xildhibaanada masuuliyada ku ilaaliyaan madaxda ugu sareyso dalka Soomaaliya.

Gudoomiye Jawaari ayaa dhawaan soo saaray qoraal uu ku sheegayo in la joojiyay mooshinkii ka dhanka ahaa madaxweynaha Soomaaliya oo ay soo gudbiyeen xildhibaano gaaraya 93 xildhibaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com