SAWIRRO: DFS oo la siiyey mootooyin casri ah!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa la gudoonsiiyay Mootooyin loogu tallo galay in lagu howlgaliyo Ciidamada Booliska ee ka howlgala Magaalada Muqdisho.

Mootooyinkaani oo tirro ahaa gaaraya ilaa 10 xabo ayaa waxaa Taliska ugu deeqay Midowga Yurub, waxaana Taliska deeqdani loo soo marsiiyay Booliska AMISOM oo ay madaxdeedu wareejiyeen.

Mootooyinkaasi ayaa waxaa Taliska Booliska Soomaaliyeed gudoonsiiyay Taliyaha Booliska AMISOM, iyadoona ay goobjoog ka ahaayen Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Cali Gaab iyo Taliyayaal kale oo ka tirsan Taliska.
motoyin1

motoyin2

motoyin3

motoyin4

motoyin5

motoyin6

motoyin7

motoyin8

motoyin9

motoyin10