Sawirro: QM oo si xun u bah-dishay C/welli Gaas

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalintii axadda magaalada Gaalkacyo uu kasoo duulayay madaxweynaha maamulka Puntland C/welli Maxamed Cali Gaas, ayaa waxaa loo diiday in diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay la raacaan ciidan Tuuteysan oo ilaalo u ahaa.

Diyaarada oo ay laheyd hayada Bini’aadanimada Qaramada Midoobay ayaa waxaa loo diiday iney raacaan ciidan tuuteysan oo hub wata, waxanaa lagu amray iney tuutaha iska bixiyaan dhamaan ciidamada la socdo madaxweyne Gaas.

Ciidamada oo ahaa kuwo si gaar ah u tababaran ayaa waxaa markii dambe laga bixiyay labista ay wateen iyadoo hubka ay wateen ay la wareegeen maamulka diyaarada Qaramada Midoobay ay leedahay.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in markii dambe diyaarada ay soo raaceen ciidamada oo aan wadan wax hub ah iyo labiska ciidamada, iyadoo markii dambe markii garoonka diyaaradaha Muqdisho markii ay kasoo dageen loo ogolaaday iney labiskooda iyo hubkooda qaataan.

Diyaarada-Shalay-ay-raaceen Sfarakii-hore-1

C/welli Gaas ayaa wax jawaab ah ka bixin bahdilka lagu sameeyay, wuxuuna u hogaansamay amarka maamulka diyaarada kusoo rogeen, waxaana lagu wargeliyay in diyaarada tahay mid arimaha bini’aadanimada ka shaqeysa oo aan aheyn diyaarad ka shaqeysa arimaha siyaasada, sidaasi daraadeedna aan hub loo ogoleyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com