XOG: RW Cumar oo lagu helay qiyaano qaran.!!

Muqdisho (caasimada Online) – Ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa inoo xaqiijiyay in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke uu iminka qeyb ka noqday Mas’uuliyiinta ku sifowday qiyaana Qaran.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa waxaa lasoo warinayaa inuu bilaabay ka ganacsiga Fiisooyinka, waxaana la tilmaamayaa in dadka laga iibsado Fiisooyinkaasi ay ku dhoofan qaab Siminaaro amaba tababaro dibadda ah.

Fiisooyinka ugu badan ee uu Ra’isul wasaare Cumar ka ganacsado ayaa waxaa kamid ah Turkiga, Faransiiska, Talyaaniga, Jarmalka iyo Dowlado kale oo aan inta lagu soo koobi Karin.

Dadka laga iibiyo Fiisooyinka ayaa waxa ay dalka uga baxaan Tababaro ay u direyso DFS iyaga oona halkaasi ka baxsada si ay usii galaan dalalka qaniga ah ee aqbala Qaxootiga Soomaalida u badan.

Dowladaha reer galbeedka qaarkood ayaa horay u joojiyay inay tababaro u qaadan Soomaalida gaar ahaan kuwa ka socda dhanka DFS sababo la xiriira musuq lagu sameeyo tirade Fiisooyin oo ay ugu deeqan Dowlada.

Arrintaani ayaa amakak ku noqotay Dowlado dhowr ah oo horay u bixin jiray Siminaaro amaba tababaro, hayeeshee waxa ay iminka doorbideen inay hakiyaan, bacdamaa inta badan madaxda dalka ay ka ganacsadaan Fiisooyinka lasiiyo.

Xafiiska Muqdisho
Caasimada Online
Caasimada@live.com