DAAWO SAWIRRO muujinaaya khasaarihii ka dhashay weerarka Hoteel Radisson ee dalka Mali

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada mali ayaa shaaca ka qaaday in lasoo gabagabeeyay weerarkii maanta lagu qaaday Hotel Radisson ee magaalada caasimadda ah Bamako.

Bilowga weerarka ayaa waxa ay maleeshiyada weerarka qaaday gacanta ku dhigeen 170 ruux oo u badnaa cadaan dalka mali u joogay dalxiis iyo shaqaale ka tirsanaa QM kuwaasi oo dhowr saac ku jiray gacanta Maleeshiyaadka weerarka qaaday.

Weerarka Hoteelka ayaa waxaa fuliyay 4 maleeshiyo tababar qabay, waxa ayna sii deynayeen qofkii aqriya aayado ka mid ah qur’aanka kariimka ee qoolka eebe.

Kooxda weerarka qaaday ayaa xubno ka ahaa Al-Mourabitoun ee ku xiran Al-qacida kuwaasi oo xarun ku leh dalka Mali.

Hoteelka waxaa laga dhex helay Meydka 27 qof oo cadaan u badan waxaana dadka la dilay ku jiray shaqaale ka tirsan QM.

Sidoo kale dadka la dilay ayaa waxaa ku jiray dad haysto dhalashada dalalka Farnsiiska, Turkiga, Shiinaha iyo Hidniya.

Guud ahaan dadka weerarka ku dhintay ayaa la sheegay inay yihiin 27 qof, waxaana suuragal ah in tirada dhimasho ay intaa kasii bataan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
1

8

7

6

5

4

3

28