Maxaa fududeeyey muranka badda iyo dhulka Soomaaliyeed ee Kenya waddo (Xog xasaasi ah)

Waxaa cad inay Kenya muujisay wejigii dhabta ahaa ee ay ka lahayd Somaliya oo ay muddo dheer ku taameysey iyadoo kaga faa’iidaysanaysa ciidamada ka joogay ee loo sharciyeeyey, ma qarsanayso cidna ugama haysbaysanayso inay sii wadato qorsheheedii ku aaddan dhul iyo Bad boobka waxaana u fudaydiyey siyaasiyiin aan wadaniyad lahayn qaarkoodna aqoon u lahayn kuna baraarugsanayn ujeeddooyinka budhcad dhuleedka iyo budhcad badeedka darisyada ahi ay ka leeyihiin dhulkeena.

Inta aynaan u galin ujeedada qoraalkan waxaa lagama maarmaan ah inaan fahanno marka hore in rafaadka siyaasadeed ee soomaaliya haysta mudada dheer ay sabab u tahay karti la’aanta iyo hoggaan xumada siyaasiyiinta ee xilliba xilliga ka dambeeya wadanka gacanta loo galinayo aafadaas garwadeen xumada ah ee wiiqday dalkeena waxay sabab u noqtay in cid waliba soo hungurayso kharyaadka iyo lug ku lahaanshaha siyaasada dalka. 

Waxaa tartan loosoo galay sidii loo boobi lahaa khayraadka wadanka bad iyo barriba wixii ku jira oo si waliba arxan darro ah looga hawlgalay iyadoo aan cidna loosoo marin, waxaa lagama maarmaan ah inaan fahano in kaalinta ugu wayn ee burburinta soomaaliya ay lahayd gacanta shisheeye ama faragalinta dibadda.  Gaalada laftigooda ayaad ka helaysaa caddaymo arrimahaas la xidhiidha oo ay ka qoreen sida Micheal Maren buugiisii The Road to Hell, Alice Hamish, Walter Clark buugiisii Learning From Somalia, Jeffrey Harbest iyo qar kale oo badan, waxayse ahayd quusgayn tilmaamaysana inaan soomali wax la iskaga tirinayn (wax jiraba loo arkayn)

Sidoo kale hadalkii aan hada kahor soo gudbiyey ee Madaxwaynihii hore ee Kenya Daniel Arab Moi mar uu ka hadlayey jaamacadda gaashaandhigga maraykanka ee ku taal Washington uu ku caddeeyey sababta keenaysa guuldarada joogtada ah ee siyaasadda soomaaliya ay tahay dawladaha dariska ah oo ka baqaya inay mar kale soomaaliya yeelato dawlad midnimo qaran oo keenta nabad iyo xasilooni ay soo noolaynayso sheegashadii gobollo ka tirsan dalalkooda (eeg The Nation, Sept 19, 2003). Marka waxay arrintani cadaynaysaa in xal-raadinta lagu daalay ee arrimaha soomaaliya cida hortaagan ay tahay Ethiopia iyo Kenya oo ay hada siiba daran tahay Kenya.

Wali waxaan ku guda jiraa qaybihii ugu horeeyey ee barnaamijka dareenka bulshada aan ugu talagalay wuxuuna isugu jiri doonaa baraarujin iyo macluumaad ku saabsan wadanka inta aan ka gaadhsiin karo dhallinyarada soomaaliyeed oo aan ogahay in wali iyaga damiirkoodu nool yahay rag iyo dumarba.

Anigoo wali qoraalkan ku guda jira hadana waxaan iga xusuusin ah in intaasi iga ahayd iftiimin kooban iyo in da’yarta soomaaliyeed ee aan taariikhda dalkooda iyo darisyadooda fursada u helin in loo dhigo ay u noqoto bal in yar oo ay ku baadhbaadhan karaan helista macluumaad dheeraad ah iyo inaan ka hortagno erayada dadka mas’uuliyadaha soomaaliya maanta sheegta ay ku celceliyaan iyagoo leh walaalaheena Ethiopia iyo walaalaheena Kenya waa arrin gef wayn iyo  majara habaabina ku noqon karta mustaqbalka ummada iyo dalka soomaaliyeed taasina waa ta sida fudud loogaga faa’iidaysto loogana meel marsado wax alla wixii siyaasad iyo khayraad ah ee dalkeena lagu curyaaminayo si aanu mustaqbal siyaasadeed, horumar, awood dhaqaale iyo mid bulsho dib ugu yeelan.

Waxaan hadaba hoos ugu daadagayaa inaan wixii ilaahay iiga garto ka sheego inta aqoontayda ah ama aan xusuusan karo dhibka ka jira xuduudaha wadankeena iyo waxa uu salka ku hayo. Sida aan ka warqabno hawlgalkii dhismaha derbigaaas wuxuu ka bilowdey cirifka galbeed ee xadka u dhexeeya Somaliya iyo Kenya oo dhererkiisa lagu qiyaaso 682 Km gaar ahaan degmada Beledxaawo oo ka tirsan Gobolka Gedo Somaliya.

Darbigaas oo xoog lagu dhisayo iyadoo loo adeegsanayo fulinta dhismaha mashruuca derbigaas dabaabadaha dagaalka iyo baabuurta gaashaaman oo lagu ilaalinayo hirgelinta dhismihiisa inta uu socdo, taas oo ku tusaysa inuu yahay dhisme aan sharci ahayn oo ka socda meel aan sharci ahayn in laga dhiso, hadaba, waxaa lagama maarnaan ah in la ogaado in qorshaha Kenya uu yahay sidii ay Somaliya dhul cusub uga goosan lahayd isla markaana xuduud cusub ujeexdo oo oo calaamada xuduuduna noqoto darbigaas ay iyagu dhisteen ee la dhex mariyey oo aan cidina ka hadli Karin, wadankii waa la sarifayaa dilaaliin fiicana waa ku jirtaa hawshiisa, waana la kala qaybsanayaa waxaana noqonaynaa gabadhii aamuska lagu meheriyey.

Maanta waxaa ina hortaal inaan sidaa kaga quusano wadankeenii iyo inaan ka dhiidhino ayaan darrada inoogu waynina waxay tahay kuwii hogaanka la inoogu dhiibay baa arrinta gadhwadeen ka ah oo wax walba saxeex la dul taagan, waxaa hore heshiis Is-afgarad lagu bixiyey dhuka soomaalieed ee NFD Carusha ee 1967, siday doonto wax ha u dheceen laakiin waxaa fool xumo iyo taariikh madowba inoogu filan inaan difaacan wayno oo aan markhaati nool ka noqono qaadashada cadawga ee wadankeena, “xagaynu ku noolaan doonaa ilayan gumaysi hor leh oo garab og ma gali karnee” miyaanay ahayn inaynu inta goori goor tahay ka kacno jiifka, hadaan ku maahmaahi lahaa  “Daadku intaanu kusoo gaadhin baa la iska moosaa” ma aha munaasib waayo waa inasoo gaadhay waxay maata ku hanjabaysaa oo ay idaacadaha uga hadlaysaa oo ay leedahay kama noqonayso Kenya go’aankeeda wax kale maaha ee waa ciidamada ka jooga wadankii laakiin waxaysan ogayn in haday dadkani kacaan ay waxay wataan ka furan karaan waana runtay igama aha dhiirigalin iska dheh ah.

Kenya dhaqale ayay inagu qaadataa midna inagaa siina oo waa ka daroogada Qaadka ay inoosoo dhoofiso ka hesho oo ah dakhiga ugu badan ee maalinlaha ah (joogtada ah) ee ay hesho dhismaha darbigan waxay dhaqaale fara badan kaga heshay dalka Dowaladda Norway oo muddo dheer mashquul ku aheyd sidii  shirkadaheeda batroolka baadhaa ay uga howlgali lahaayeen Afrikada bari siiba Soomaaliya ugu dambayntiina Kenya waxay siisay qandaraaska shidaalka badeena ku jira (dhinaca ay bada inaga qaaday). Dawladda dhexe ee soomaaliya iyo kuwa gobolladu laftigoodu waa garab wayn oo fududaynaya hanashada dhulkeena ee Kenya qaadanayso waana wakiilo u jooga soomaaliya gudaheeda hawshani waxay u taalaa waa dadwaynaha soomaaliyeed siiba culamaa’udiinka, dhallinyarada, ganacsatada, saxaafadda, haweenka iyo soomaalida qurba joogta ah.

Hadal iyo dhamaantiisa wadankii xaalad aad looga naxo buu marayaa in aynu galo gacanta cadawgeenii taariikhiga ahaa waxaynuna noqonaynaa kuwo loogu taliyo sida maanta loogu taliyo horjoogayaasha maamulada ee uu Xasan Sheekh ugu wayn yahay oo kale, waxaa la inoo diidi doonaa inaan tukano inaan adino iyo inaan dhaqaale samaysanoba, waxaa dhacaysa in saamayntu soo gaadho guryaha, dumarkeena, masaajidada, malcaamadaha iyo iskuulada sida hadaba laga dareemayo meelo ay ka mid tahay Somaliland (tan iskuulada), sidaa darteed, dhallinyarada dulman ee markay wax baran lahayeen madfac lagu asqaysiiyey markii dambena lagu askaraystay, waxna tahriib galeen (mid dhintay iyo mid dhoofay) inta ka badbaadayana ay la’ dahay ilaa hada adeegii bulsho nooc kastuu ahaa waxaan ku tirtirsiinayaa dalka dhallinyaraa ka xoraysay gumaysigii adduunka ugu awooda badnaa ee haystay ha lagu baraarugo in wadankii la qabsanayo hana loo diyaargaroobo difaaciisa.

Kenya waxay kala tashatay dhisidda darbiga dalal reergalbeed ah waxayna ka caawiyeen dhaqaalaha xoogga leh ee ku baxaya dhismaha derbigaas, hawshan intaanay bilaabin waxay samaysay tijaabooyin siyaasadeed sida warbaahinada oo ay ka sheegtay iyadoo ku talagashay inay eegto in laga hor yimaado iyo waxa ka iman kara wayna ku guulaysatay tijaabadaas dhowr-jeerna caalamka maqashiisay sababo oo been abuur ah oo dhinaca amniga ku saabsan si aan su’aalo badan looga weydiin.

Waa ilaahay mahadiis haday maanta BF soomaaliya garteen dhibka Kenya wado laakiin aad bay u habsaameen waase wax loo baahan yahay intaas laftigeeda, in kastoo ay Kenya maanta la mid tahay waraabihii isku haystay Hadhka, Biyaha iyo Hasha u dilan, oo aanay dhago aad u dhagaysta u hayn waxa kasoo baxaya maanta Dawlada Soomaaliya laakiin “Candhoba waa Xubin” waxaa hawshooda sii dhiirigalin kara kacdoon dadwayne oo lagagsoo horjeesto boobka dalka ee mustaqbalkana la rabo in wadankaba loo qaybiyo Ethiopia iyo Kenya sidii horayba qaybo inaga mid ah loo siiyey oo hada iskaba dhaqan ahaan iyo dhulba wareegay.

Waa socotaa …. (Markii ay xornimada qaadatay Jamhuuriyaddii Soomaaliya waxay dawladdii cusbayd shaaca ka qaaday sida ay u doonayso in ay midayso dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Geeska Afrika …..)

Waa qormada xigta oo ka hadlaysa heshiiskii Carusha iyo aqoon korodhsi taariikheed.

W/Q: Maxamed Cali Macalin