Sawirro cusub: Imisa ajaanib ah ayaa lagu dhex heystaa gudaha Hoteelka la weeraray ee MALI.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa wali gudaha Hotelka Radisson Blu oo ku yaal caasimada Mali ee Bamako, ka dhex dagaalamaaya Maleeshiyaad ka tirsan mintidiinta dalkaasi kuwaasi oo qololka ku heysta Ajaanib iyo shaqaale ka tirsan QM.

Gudaha Hoteelka ayaa waxaa laga dhex maqlayaa gurxanka rasaasta iyo Hubka culus, waxa uuna maamulka Hoteelka sheegay in 2 kamid ah mintidiinta ka dhex dagaalameyso Hoteelka ay afduub gudaha ugu heystaan 170 qof oo ajaanib u badan.

Saraakiil dhinaca ammaanka ayaa wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP u sheegay in ragga hubeysan ay ku sugan yihiin dabaqa toddobaad ee hotelka Radisson ee magaalada Bamako. “Jihaadiyiinta waxay ay ridayaan xabado”

Saraakiil u hadashay Safaaradda Mareykanka ee Mali ayaa sheegay inay ka war heyso in howlgal toogasho ah uu ka socdo hotelka Radisson gudihiisa.

Illaa iyo hadda ma cadda in dadka afduubka loo haysto qaarkood la dilay ama la dhaawacay.

Dagaalka ka socda gudaha Hoteelka ayaa waxaa qeyb ka ah Ciidammada ammaanka Dowlada Faransiiska ka jooga dalka Mali ku waasi oo ridaaya Hubka fudfudud iyo sunta dadka suuxiso.

Dhanka kale, Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in kooxda weerarka qaaday ay sii daayeen dad aqriyey aayado ka mid ah qur’aanka kariimka.
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

8

18
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com