Xog: Xaaladda Beledweyne oo allow sahal ah.!!

Beledweyne (Caasimada Online) – Xaalad Cakiran ayaa ka taagan degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay ka dhaxeen banaanbaxyo abuuray cabsi dhanka amaanka ah, kadib markii dadweyne ay isku baxeen.

Boqolaal banaanbaxayaal ayaa maanta xiray qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kuwaasi oo kasoo horjeeday dilkii loo geystay Mahdi Xuseen Shiiqaal oo ahaa madaxii hayada Mine Action ee Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in magaalada sido kale ay isku daadiyeen ciidamo taageersan gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo ku jiro xabsi ciidamada AMISOM ku leeyihiin magalada Beledweyne, iyadoo loo heysto dilka madaxii hayada miino baarista Qaramada Midoobay.

Waxaa laga baqayaa in xiisadaasi ay sababto dagaalo ka dhaco bartamaha degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, maadaama beesha uu kasoo jeedo Mahdi ay dalbanayaan in cadaalada la horkeeno gudoomiye C/fataax Xasan oo ay ku eedeynayaan in dilkaasi uu ka dambeeyay.

Dowlada Soomaaliya ayaa gudi u xil saartay baaritaanka sarkaalkaasi lagu dilay magaalada Beledweyne, waxaana loo xiray dilka sarkaalkaasi dad badan oo lagu eedeynayo oo uu kamid yahay gudoomiyaha gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax.

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
Caasimada@live.com