Kaliil oo sheegay haddal ka careysiiyay Axmed Madoobe iyo Fartaag iyo qorshe la rabay oo..

Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiyihii Gobolka Gedo Max’ed Cabdi Kaliil, ayaa ka hadlay Siyaasada uu doonaayo in Madaxweynaha Maamulka Jubbaland uu ku maareeyo Gobolka Gedo iyo qorshaha isaga u degsan.

Kaliil ayaa sheegay in marnaba uusan raali ka ahaan doonin in Gobolka Gedo laga hirgaliyo Siyaasada Axmed Madoobe waxa uuna tilmaamay in Axmed Madoobe iyo Fartaagba uu Siyaasada uga soo horeeyay sidaa awgeedna aysan socon doonin Siyaasadooda.

Waxa uu sheegay in Axmed Madoobe uu dareensan yahay halka uu ka taagan yahay Khilaafka waxa uuna ku baaqay in uusan meela kale wakhti ku lumin oo uu xaqiiqda la yimaado.

Mr Kaliil ayaa ka dhawaajiyay in uusan xil ka qaadi Karin Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ku dhawaaqay in la soo afjaray xiisaddii siyaasadeed ee ka aloosneed Gedo.

“ Maamulkii dowladda Federaalka ee aan guddoomiyaha u ahaa ayaa shaqeynaya , aniga waan ka waayo aragsanahay Fartaag iyo Axmed Madoobe, Mana ulahan sharciyad in ay xil iga qaadaan”

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo mudooyinkaani ku sugnaa Gobolka Gedo ayaa ku dhawaaqay in Gobolka maamul mideysan loo sameeyay lana dhameeyay murankii xagga maamulkaas ku aadanaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com