Degmada Qoryooley oo gashay xaalad cakiran.!!!

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa xaalad cusub gashay Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose, kadib markii uu kusoo fatahay Webiga Shabelle.

Wabiga ayaa biyaha ku seeriyay dhamaan xaafadihii ku dhawaa waxaana lasoo warinayaa in dadka deegaanka ay hadda galeen jawi ka duwan kii ay shalay heysteen.

Fatahaada wabiga ayaa sababay inuu hakat galo isu socodka gaadiidka, ganacsiga waxaana iminka magaalada gabi ahaanteeda buux dhaafiyay biyaha kasoo baxay wabiga.

Biyaha wabiga ayaa burburiyay dhul beereed dalagyo kala duwan ku beernaa, waxaa kaloo jira guryo fara-badan oo ku burburay fatahaadahaasi, iyadoo qoysaskkii deganaana ay isaga barakaceen.

Xoghayaha Maamulka Degmada Qoryooley Ibraahim Malab Ibraahim, , ayaa wuxuu sheegay in xaalad go’doon ah ay gashay Degmadaasi, isla-markaana aanay jirin wax hay’ado ah oo u soo gurmaday.

Xoghayaha, ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in ay dib ugu furan wadooyinka, hase ahaatee ay fatahaaduhu u muuqdaan kuwo ka tan weyn.

Dhanka kale, DFS ayuu ugu baaqay in wax muuqda laga qabto xaalada cusub oo ay iminka ku noolyihii dadka Degmada Qoryooley.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com