Ciidamada gaarka ah ee madaxweyne Xasan oo dhacdo xanuun badan ka geystay Beledweyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ay fal xanuun badan qof shacab ah ugu geysteen magaalada Beledweyne.

Ciidamada loo yaqaan Koofi casta ee sida gaarka ah u ilaalisa amaanka madaxweyne Xassan ayaa afafka hore ee garoonka Beledweyne ku jir dilay ruux shacab ahaa kaasi oo la sheegay in ciidamadu ay ka shakiyeen.

Ciidamada ayaa ruuxaasi u adeegsaday qori baadkiisa kadib markii uu isku dayay in orad uu ku dhex maro gaadiid galbinayay madaxweyne Xassan xili uu ka degay garoonka.

C/llahi Yuunis oo kamid ah qaraabada ninkaasi ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in ciidamadu ay qori afkiisa ku garaacen ninkaasi oo lagu magacaabo Maxamed-nuur kadibna isaga oo garaab ah ay halkaasi ka qaaden.

C/llahi Yuunis ayaa sheegay in dhibane Maxamed-nuur uu ahaa shacab balse ka argagaxay gaadiidka madaxweynaha galbinayay sidaana uu ku orday.

”Falka jir dilka ah waxaa geystay askari koofi cas ah, waxa uu mar qura kasoo booday gaarigii uu saarnaa waxa uuna qori baadkiisa ku garaacay dhibanaha, waxa uuna dib ugu laabtay gaarigii oo durbaba halkaasi ka dhaqaaqay”

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Gaadiidka ay ku socdeen xawaari, islamarkaana Maxamed-nuur uu ku sigtay in gabi ahaantiisa la dardaro balse uu alle ka badbaadiyay.

Dhacdadaani ayaa qeyb ka ah dhacdooyin ay Ciidamada Dowlada kula kacaan shacabka Soomaaliyeed ee aan ku lug laheyn dhinacyada isku haya Siyaasada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com