Dabageed oo soo saaray amaro aan u cuntami doonin beelaha degan G/Hiiraan

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar ”Yuusuf Dabageed”, oo la hadlaayay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in maamulka uu dhaqan galinaayo amar muujinaaya xaqiijinta amaanka Gobolka Hiiraan.

Yuusuf Dabageed, ayaa sheegay in Ciidamo gaar ah ay u sameynayaan xaqiijinta amaanka waxa uuna sheegay in gudaha magaalada aan lagu dhex arki karin cid ku hubeysan Hub aan aheyn kan maamulka.

Dabageed waxa uu tilmaamay in maamulka uu sharciga waafajin doono cidii ka hor imaada go’aanka lagu mamnuucaayo Hubka sharci darada ah ee lagu dhex sito Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Reeraha hubeysan ayuu ugu baaqay inay la xaroodan hubkooda waxa uuna cadeeyay in maamulka uusan u dulqaadan doonin reer ku duulaaya reer kale, si meesha looga saaro is qabiileysiga ayuu yiri.

Xaafada ugu badan ee sida sharci darada ah hubka loogu dhex sito ayuu sheegay inay tahay Xaafada Howlwadaag ee Galbeedka Magaalada Baladweyne waxuuna tilmaamay in Hub kaliye ay halkaasi ku heysan karaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Ganacsatada ayuu ugu baaqay in si shuruud la’aan ah ay ku furaan Suuqa Huriwaa oo ku yaala Xaafada Howlwagaad kaasi oo ku xirmay Dagaaladii dhawaan halkaasi ka dhacay.

Dhanka kale, amarada Dabageed ayaa imaanaya xili dhawaan uu xaafada Howlwagaad dagaal ku dhexmaray maleeshiyaad walaalo ah oo halkaasi wada dega.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com