Sawir xaqiiqda taabanaya: Madaxda Soomaaliya sawirkaani ayaa iiga filan + (Aqri xog 7 qodob ah)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dalka Somalia ayaa marti galinaaya Cadow midabyo kala duwan leh oo sanadihii danbe la soo baxaayay ficilo Siyaasadeed oo lagu hagranaayo Umadda Soomaaliyeed.

Cadowga ayaa isugu jira kuwo dalka u dhashay, kuwo madow africaan ah iyo kuwo cadaan ah oo gabi ahaanba kawada siman hagardaamada ay u maleegayaan Umadda Soomaaliyeed.

Hagardaamada ugu badan ayaa Shacabka kaga imaada dhanka Madaxda dalka kuwaasi oo Somalia u iibgeeyay caalamka intiisa kale, si ay uga macaashaan Kheyraadka ku jira dalka.

Cadowga sukeeye ayaa Kheyraadka dalka si qarsoodi iyo muuqataba ugu gacan galiyay Dowladaha dalka dariska la ah iyo Reer galbeeda waxa ayna Somalia ka dhigeen dhul loosoo macaash doonta, halka ay Shacabkuna ku qancinayaan Caalamka uu gurmad u yahay Somalia, balse arinka uu yahay mid kaasi ka duwan.

Dhibaatooyinka laga dhexlay Cadowga sukeeye oo aan ula jeedow Madaxda Qaranka ee iminka haya talada dalka ayaa waxaa kamid ah:

1- Beecinta Badda iyo Kheyraadka dalka: waxa ay Somalia usoo hogaamiyeen Shucuub isugu jirta Cadaan iyo Madow kuwaasi oo howlo ka dhex wata Badda iyo Bariga Somalia min Caasimada ilaa Gobol.

2-Burubagaando iyo Musuq-maasuq aan horay loogu arag Somalia: waxa ay fursad u heleen dhaqaalaha kasoo baxa dalka iyo tan ay reer galbeedka ugu deeqen Somalia oo intuba aan la gaarsiin shacabka Soomaaliyeed oo dhibka saaxiibka u noqday.

3-Siyaasada Somalia oo laga hago Xarumaha Reer galbeedka ee ku yaalla Muqdisho: Tallada dalka ayaa waxaa loo gacangalshay Cadaanka xarumaha ka dhigtay Garoonka kuwaasi oo har iyo habeenba u fadhiya kala geynta Somalia.

4-Isdabamarinta mushaaraadka Ciidamada, Shaqaalaha iyo tan loogu tallo galay in lagu soo celsho bilicda caasimada dalka.

5- Siyaasado colaad u abuureysa Beelaha Soomaaliyeed oo la kala dhex dhigay maamulada dalka iyo awooda beelaha qaar oo la saraqaaday.

6-Ku tagrifalka awooda Qaran iyo Nin jecleysiga oo kaalinta koowaad Madaxda dalka ugu jirto.

7- Kala sareysiinta Beelaha iyo u kala eexashada shacabka Soomaaliyeed.
WADANKA2 copy
Sawirka qoraalka ka muuqda ayaa muujinaaya heerka ay Madaxda dalka ka gaarsiisan yihiin Eexda waxa ayna si cad u doorbideen maja-xaabinta Umadda Soomaaliyeed iyo in Somalia laga faa’iideysto wakhtiga yar uu harsan.

Mas’uul waliba waxa uu hal ku dhig ka dhigtay badbaadinta Shacabka Soomaaliyeed, balse waxa uu arrinku yahay mid ka fog sida ay Madaxdu muudo shacabka.

Caalamka qudhiisa ayaa la yaaban qaabka ay Madaxda dalka u hirgalinayaan himiladooda, waxa ayna arrimahaani dhowr jeer kasoo saaren qoraalo ay ku muujinayeen Musuqa ay caadeysteen madaxda dalka.

Isku soo duube Ujeedka qoraalkayaga ayaa ah in Umadda Soomaaliyeed ay kala gartaan cida u wanaagsan iyo cida u daran, marka laga soo gudbo is qabiileysiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com