ISIS oo qorsho naxdin leh la damacsan SOMALIA

Muqdisho(Caasimada Online) – Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Syria ayaa culeys badan kala kulmaaya Dowladaha Syria, Ciraaq iyo kuwa beesha caalamka.

Cadaadinta dul saaran Dacaish ayaa la sheegay inay sababi karto inay ka guuraan dalalkaasi una guuraan qaarada Africa iyaga oo saldhigyo ka dhigan doono dalalka Somalia, Nigeria iyo Liibiya.

Dr. Ibrahim Najam oo ah mufti kasoo jeeda dalka Masar ayaa sheegay in Jabka Daacish uu sababi karo in burbur uu ku imaado Qaarada Africa.

Muftiga waxa uu sheegay in Burburkaasi uu ka imaankaro guuritaanka Daacish, waxa uuna tilmaamay in meelaha ay usoo guuri doonaan ay tahay Somalia, Nigeria iyo Liibiya, sida uu hadalka u dhigay.

Qaarada Africa ayuu sheegay inay leedahay Keymo lagu dhuumankaro, taasina ay Daacish u sahli doonto inay usoo guuran Africa.

Kooxaha ka go’ay Al-qaacida sida Daacishta Somalia iyo Book Haram ayuu sheegay inay gogol xaar u yihiin soo guurista Kooxda Daacish, waxa uuna Muftiga walaac ka muujiyay hamiga Daacish ee ku aadan Qaarada Africa.

Dhanka kale, waxa uu Dowladaha Islaamka ah ugu baaqay inay gunta u xirtaan sidii ay uga feejignaan lahaayen waxa uu ugu yeeray ”Kooxda dhiiga muslimiinta u bareeray”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com