Sawirro: Kulan dhexmaray Ethiopia iyo Jubaland

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ”Axmed Madoobe” oo ku sugan magalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa kulan la qaatey Wasiirka Arimaha Dibadda ee Dalka Ethiopia.

Axmed Madoobe ayaa uga mahad celiyey dowlada federaalka ah ee Ethiopia taageerada ay la garab taagantahay Jubbaland mar weliba iyo xiriirka kala dhaxeeya.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyey madaxweynaha iyo maamulkiisa sida wanaagsan oo Jubbaland ay u muujisay hab wanaaga mudadii uu socday shirka madasha doorashada Somalia iyo dhismaha Hay’adaha maamulka.

Sidoo kale waxay kawada hadleen arrimaha Siyaasada , Amniga iyo iskaashiga Jubbaland iyo Dolwada federaalka ah ee Ethiopia, iyada oo dhamaan la isku afgartey qodobadii laga wada hadley.

Wasiirka arimaha dibada Ethiopia Dr.Tedros ayaa qiray in amniga iyo xasilooni ay ka jirto deegaanada Jubaland waxa uuna bogaadiyay dhaqan gelintii heshiiskii Addis Ababa iyo miraha laga dhaxlay.

Wasiirku waxa uu sidoo kale bogaadiyay doorka Jubaland ka ciyaarayso nabadaynta Somalia.

Kulankan ay wada qaateen Madaxwaynaha Mamulka jubbaland Axmed maxamed islaam iyo wasiirka arimaha Dibada Dalka Ethiopia Dr.Tedross Adamani aya imaanaya xili dowlada dhexe iyo mamulka jubba uu wali ka dhextaagan yahya Khilaaf dusha sare laga daboolaayo.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
axmed-tedros 7

axmed-tedros 8

Axmed Madoobe

axmed-tedros 1

axmed-tedros 2

axmed-tedros 3

axmed-tedros 4

axmed-tedros 5

axmed-tedros 6

axmed-tedros 7