Xog: Hal koox oo la doonayo in laga mamnuuco inay ka mid noqdaan xildhibaannada 2016-ka..!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay Xildhibaanada loo qeybiyay qaraar la sheegay in uu ka dhashay doodihii dheeraa ee baarlamaanka ka yeeshay arimaha hiigisiga 2016-ka.

Baarlamaanka waxaa uu qaraarkiisa ku sheegay in talo kasta oo laysla meel dhigo waa in ay waafaqsan tahay shuruudaha hoos ku qoran:-

1 – Ineysan wax u dhimin midnidamada qaran iyo waajibaadka shacabka Soomaaliyeed

2 – Ineysan keenin xasilooni darro siyaasadeed iyo mid amni oo dalka u horseedi karta colaad cusub.

3 – Waa in iney waafaqsan tahay dastuurka JFS.

Si loo ilaaliyo xuquuqda iyo sinaanta ka qeybgalka siyaasadeed ee muwaadiniinta Soomaaliyeed, loogana fogaado in dantagaarka ahi kumilanto danta caamka ah, talooyinka go’aan qaadashada ah ee baarlamaanka 10aad JF Soomaliyeed ku imaanaya qeyb kama noqon karaan dad u sharaxan jagooyin qaran.

Maadaama uu baarlamaanka 9-aad waajibkiisa ay ka mid tahay dib u eegista dastuurka JFS sida ku cad dastruurka dalka qodobka 136-aad fiqradiisa 1aad.

Golaha shacabka Soomaaliyeed waxay u soo jeedinayaan Guddoomiyaha golaha shacabka ee JF Soomaaliyeed in uu si hortabin leh u soo gudbiyo shin tiriska dib u eegista dastuurka si waafaqsan qodobkan.

Golaha waxa ay soo jeediyeen in dadka isku sharxaya jagooyinka kale ee dowladeed aan loo ogolaan inay xildhibaano noqdaan, haddii ay xildhibaano yihiin oo ay jago kale qabtaanna, ay waayaan xildhibaannimada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com