Xog: Lacagtii ay DF lunsatay 2014 oo la ogaaday

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa si kulul uga hadlay kharashaadka la lunsaday ee ka mid ahaa miisaaniyadda dowladda Soomaaliya sanadkii 2014.

Xildhibaanka ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyay lacaga maqan ee xukuumadda Soomaaliya loo ansixiyay isla markaana aan la siin cidii xaqa u lahayd.

Xildhibaanka oo si kulul ula hadlay gudoomiye Jawaari ayaa isagoo u sheegay inuu kursiga guddoonka ku fadhiyay muddo dhowr sanadood ah oo uu garanayo halka lacagtaasi ku maqan tahay, ayna xaq ahayn in la iska ansixiyo xisaab maqan.

Iyadoo maanta la ansixiyay xisaab xirka 2014 miisaaniyadii dowladda ayaa Xildhibaan Dalxa wuxuu ka mid ahaa xildhibaanadii sida kulul uga hadlay musuqa lacag lunsi ee ka dhex jira dowladda Federaalka.

Hoos ka dhageyso codka xildhibaan Dalxa

 

[su_audio url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2015/12/dalxaaaa.mp3″]

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com