Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay waxaa shalay tagay madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo ay wehliyaan xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed.
Kulanka madaxweyne Xasan Sheikh iyo Shariif Xasan oo aan si dhab ah loo ogaan waxay ka wada hadleen, ayaa kusoo aaday maalmo uun kadib markii fashil uu kusoo dhamaaday shirkii ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Kulanka oo ahaa mid saxaafada aysan ka warheyn ama dibad joog ka aheyd ayaa waxaa la sheegayaa in diirada lagu saaray shirarkii kusoo dhamaaday magaalada Kismaayo, iyada oo aan natiijo laga gaarin.
Shariif Xasan ayaa taageersan qorshaha Dowlada Xasan Sheikh Maxamuud oo ah in xildhibaanada imaanaya dhamaadka sanadkaan lagu soo xulo hab qabiil.
ISaga oo magaalada Baydhabo warbaahinta kula hadlay madaxweynaha koofur Galbeed ayuu sheegay in marnaba aysan aqbaleynin in hab degaan doorasho lagu falo ilaa laga tiro ummada Soomaaliyeed.
Shrkii magaalada Kismaayo ayaana fashil kusoo dhamaaday markii dhinacyada shir sanaa qodobada qaar isku fahmi waayeen.
Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

