Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxa ururka CRD Jibriil Ibraahim Cabdulle oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay sababaha uu u fashilmay shirkii madasha ee ka dhacay Kismaayo bishan Janaayo 10 ilaa 13 keedi.
Dowladda Federaalka ah ayaa ku fashilantay in aay dalka gaarsiiso doorasho qof iyo codkiisa, taasoo dowladda aay ku fashilantay.
Jibrill ayaa si hufan u kala dhig-dhigay sababaha keenay is afgaran waaga u dhexeeya madaxda, isagoo xusay in qaar kamid ah madaxda Soomaaliyeed aay hore u sheegeen in aay yihiin mushariix u taagan jagada Madaxweynaha sanadkan 2016, ayaa haddana waxaa aay ku habbooneyd fursadaha go’aamada looga gaarayo madasha in lagu soo daro dhammaan Soomaalida, si loo ballaariyo oo loo helo heshiis buuxa oo leysku wada waafaqsan yahay, taasi ayeyna ahayd ujeedka loo sameeyo madasha wada tashi. ayuu yiri
Mar uu ka hadlaayay waxa aay ahaayeen qododobada laysku afgaran waayay. Ayuu sheegay. Ma jirin is qancin, iyadoo madaxdii aay gabeen in aay wada hadlaan ka hor shirka Kismaayo. Taasaana ugu weyn in go’aan deg-deg ah laga gaari karin masiirka Soomaaliyeed. Waxaa aay ahayd lama huraan in waqti la geliyo in lawada hadlo, oo waqti munaasib ah la geliyo inta aanan leysugu iman shirka Kismaayo, Taasna ma dhicin.
Halkan ka dhegeyso waraaysiga
Soo Xigasho: VOA SOMALI
[su_audio url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/01/jibrilCRD.mp3″]
Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

