Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa looga hadlay go’aanka beesha caalamka ee ku aadan dhicitaanka doorashada Somalia ee la filaayo wakhtiyada nagu soo beegan.
Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Beesha Caalamku ay madaxda DFS iyo kuwa Gobolada uga fadhiso in si dhaqsi ah ay ugu soo gudbiyaan habka ugu haboon ee doorashada loo qaban lahaa iyada oo aan laga dib dhicin wakhtigeeda.
Qoraalka oo ahaa mid dheer ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Beesha Caalamku ay iminka DFS iyo Maamulada dalka ka fileyso inay soo gudbiyaan go’aan ku saabsan hab Doorasho oo la isku raacsan yahay oo ka dhacda Somalia.
Warbixinta ayaa waxaa lagu xusay in Kulankii ay Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo Guddoomiye Jawaari la yeesheen shalay wakiillo ka kala socday QM, IGAD, Midwoga Yurub, Mareykanka, UK, Sweden iyo Talyaaniga ay ku caddeeyeen rajadooda ah inay maalmaha soo socda soo gud-biyaan hab doorahso oo la isku raacsan yahay.
Waxa ay sidoo kale sheegeen inay ka filayaan qorshe fulineed iyo qariidad siyaasadeed oo Soomaaliya loo dejiyo 2016 illaa 2020, taasi oo ah waxa ay hogaamiyayaasha Soomaalida isku raaceen intii uu socday kulankii madasha wadatashiga qaran ee 16-kii December ka dhacay Muqdisho.
Beesha caalamka waxa ay sheegtay inay soo dhoweeneyso wada-hadalladii Kismaayo iyo farqiga u dhaxeeya madaxda Soomaalida ee sii yaraanaya, marka ay timaado habka doorashada ee 2016.
Beesha calamaka waxa ay sheegtay in inkasta oo ay ka niyad jabsan tahay inaan wax heshiis ah lagu gaarin Kismaayo, haddana ay soo dhoweeneyso in horumar laga sameeyey wada-hadallada.
Dhanka kale, Beesha caalamka, waxa ay ugu baaqday madaxda Soomaalida inay danta qaranka wax walba ka hormariyaan.
Haddalkaani ayaa imaanaya xili maalinimadii shalay aqalka looga arrimiyo Somalia ay si wada jir ah ugu kulmeen Madxaweyne Xassan Sheekh iyo Xoghayaha QM u qaabilsan Somalia oo ay wehlinayaan diblumaasiyiin kale oo qeyb ka ahaa Beesha Caalamka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]