Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in wali la isku fahmi la yahay tirade ergada soo dooraneyso xubnaha baarlamaanka maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Qaar kamid ah beelaha daga gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa saluugsan qorshe gobolka ay ka wadaan Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad iyo Wasiir Odowaa.
Wasiir Mahad maxamed Salaad oo Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe looga dhigay dhismahiisa ninka ugu sareeyo ayaa kasoo jeeda Degmada Matabaan oo beeshiisa ay kasoo galeyso Dhamaan degmooyinka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Wasiirka ayaa beeshiisa siiyay Shan kamid ah odayaasha dhaqan ee soo xulaya ergada xildhibaanada soo xulaysa, halka Beesha Gaaljecel oo degta deegaano badan oo ka tirsan labada gobol la siiyay 6 ergo oo kaliya, taasi oo qasabtay in beelo badan ay ka caroodaan.
Sidoo kale Beelaha Shiidle ayaa la siiyay lix xubnood oo kaliya halka 11 Ergo la siiyay Beesha Xawaadle oo degta Degmada Beledweyne iyo deegaano Hiiraan ka tirsan. Beesha Abgaal oo degta ku dhawaad 6 degmo ayaa la siiyay 15 xubnood, sida ay inoo sheegeen qaar kamid ah xubnaha ku sugan magaalada Jowhar, waana tan keentay in shirarka magaalada ay hakad galaan.
Wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya ayaa la qorsheynayaa iney tagaan magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, si ay kaga qeyb qaataan xalinta carada ay qabaan beelaha qaarkood.