26.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

“Xasan Sheekh balantii uu iga qaaday oo kaliya ha fuliyo, 20 sano ayaan xiranahay” + Dhageyso

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Roma (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga dalbaday inuu ka dhabeeyo balanqaad uu horey ugu sameeyay Muwaadin Soomaaliyeed oo muddo ka badan 15 sano u xiran dowlada Talyaaniga.

Xaashi Cumar Xasan oo ah muwaadinka u xiray dilka Gabar Talyaani ah loogu geystay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xasan Sheikh uu Dhageystay isaga oo balan qaadayo inuu gacan weyn ka geysanayo sidii Xaashi loosoo deyn lahaa.

Sidoo kale wuxuu Xaashi Sheegay in Dowlada Soomaaliya ay horey u balan qaaday iney bixineyso dhaqaalaha ku baxaya sii deyntiisa oo uu sheegay iney doonayaan qaneerada isaga u doodaya.

Xaashi, ayaa hadda ah mid xabsi guri ah, waxaana maalmo ka hor lasoo taagay maxkamada racfaanka ee dalka Talyaaniga, sida uu sheegay.

“Rajo wanaagsan ayaan hadda leeyahay, laakiin dowlada Soomaaliya gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheikh waxaan ka codsanaa inuu ka dhabeeyo balanqaadkii uu horey iigu sameeyay oo ahaa inuu kaalin ka geysanayo sii deynteyda”ayuu yiri Xaashi oo la hadlay Idaacada Risaala oo kamid ah idaacadaha Muqdisho.

Hoos ka dhageyso

Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News