28.9 C
Mogadishu
Sunday, November 9, 2025

Xassan Sheekh oo wax kama jiraan ka dhigay awooda madaxda gobolada Dalka kadib markii…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay awood sheegashada madaxda maamulada dalka.

Xassan Sheekh waxa uu sheegay in Somalia ay leedahay hal madaxweyne oo isaga leh talada dalka waxa uuna carab dhabay in wixii isaga kasoo hara ay Somalia ku leeyihiin kaliya tallo.

Xassan waxa uu tilmaamay inuu aad uga xun yahay in inta badan madaxda Gobolada dalka ay is hortaag ku sameeyaan wado waliba oo loo maraayo baadi-goobka midnimada, waxa uuna sheegay in qaranimadu ay ka weynta reer jecleysiga.

Somalia ayuu sheegay in isaga wax laga weydiinaayo guul iyo guul daraba sidaa aawgeedna uu dhowr jeer madaxda maamulada dalka uu siiyay fursado kala duwan balse ay yihiin kuwo aan u diyaar aheyn inay ka faa’iideystaan.

Ujeedka ay uga hor imaanayaan qodobada maamulada ay ku dhagan yihiin ayuu sheegay in Dowladu ay tahay mida kulmisa dhamaan qabaa’ilada Soomaaliyeed loona baahan yahay in qabiil waliba ay ku qancaan ficilada ay sameyneyso Dowlada, balse maamuladu ay yihiin kuwa u adeegaayo hal beel oo kaliya taasi sharaf dhaceeduna uu yahay mid su’aal laga weydiin doono Dowlada.

Madaxweyne Xassan waxa uu ku celcelshay in lama huraan ay tahay in maamulada dalka ay u hogaansamaan awaamirta iyo qaabka ay Dowladu wax u wado, intaa kadibna ay Dowladu fakirkaasi qaadan doonto ama ay ka tagi doonto waa hadii aan maslaxad loo arag.

Haddalka madaxweyne Xassan ayaa imaanaya xili cadaadin dhowr jiho ah ay beesha caalamku saaren madaxda dalka, gaar ahaan madaxweyne Xassan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News